Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dhaq Dhaqaayo Milatari oo Hakad Galiyay Ganacsigii ka jirey Xudur
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 25 2008
Dhaq Dhaqaayo Milatari oo Hakad Galiyay Ganacsigii ka jirey Xudur
Written by Ali Moallim   
Friday, 25 July 2008

Xudur,(insidesomalia.org)-Dhaq dhaqaaq milatari ayaa laga soo sheegayaa Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, kaasi oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee degmadaasi.

Gaabiskaan ku yimid howlihii adeega bulsha ee degmada Xudur ee Gobolka Bakool shalay galinkii dembe iyo saaka ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii gudaha Magaaladaasi ay dhaq dhaqaaq iyo hub aruursi ay ka bilaabeen gudaha Degmada Maamulka degmada Bakool iyo kan Degmada Xudur.

Dhaq dhqaaqa Ciidan ay wadaan Maamulka Gobolka ayaa waxa uu yimid kadibmarii agagaaraha Degmada Xudur ay soo gaareen xoogaga Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda siyaasada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya, iyadoo xoogagaasi la tilmaamay in ay duulaan ku soo yihiin Magaalada Xudur.

Ciidamada Booliska ee Maamulka Xudur ayaa lagu soo waramayaa in ay difaac adag ku galeen Saldhiga Ciidanka Booliska ee Degmada Xudur halka kuwo kale ay gaaf wareegayaan gudaha iyo daafaha Magaalada Xudur.

Goob jooge diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa shabelle u xaqiijiyay in hakad uu galay dhaq dhaqaaqa ganacsiga ka dib markii ay soo ifbaxeen warar sheegaya in xoogaga Mucaaradka ay duulaan ku soo yihiin degmada Xudur iyadoo ciidamada maamulka degmada ay galeen feejignaan.

Guddoomiyaha Maamulka Bakool Maxamed Cabdi ayaa ka gaabsaday in uu faah fahin ka bixiyo dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka jira degmada iyo xoogaga mucaaradka oo la sheegay in ay duulaan ku soo yihiin Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Lama oga halka uu xaalka Degmada Xudur uu ku dembeyndoono Saacadaha soo socda Degmada Xudur xili ay ka jiraan dhaq dhaqaaq Ciidan Degmadaasi.





Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >